Qayb ka mid ah waddada wayn ee Thika-Garissa oo la xiray

0
930

Maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee dalka ee (KeNHA) ayaa shaaciyay inuu xiray qayb ka mid ah waddada wayn ee xiriirisa magalooyinka Thika iyo Garissa.
Maamulka ayaa qoraal arrinkan ku aaddan soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Waxaa qoraalka ku cad in qaybta la xiray shalay oo aan la adeegsan doonin ilaa 7-da bisha Shanaad ee sanadkan ay tahay buunddada Yatta ee dhanka ismaamulka Machakos .
KeNHA ayaa tallaabadan u aaneysay inay halkaasi ka wado mashruuc dhismo.
Agaasimaha guud ee maamulkan Kung’u Ndung’u ayaa gaadiidleyda ugu baaqay inay u hoggaansamaan tilmaamaha la siinaya ee ku aaddan halka ay ka leexanayaan.
Dhanka kale dadka isticmaalaya waddadaasi ayuu ku boorriyay inay taxaddar muujiyaan maadaama uu ciriir dhinaca isku socodka baabuurta ah jiri karo.