Waxaa laga soo billaabo abaare 7-dii subaxnimo ee maanta xiran qaybta loo yaqaano Mlolongo Entrance ee waddada wayn ee Nairobi Expressway .
Shirkadda Moja Expressway oo maamusho waddadan ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in howlo dayactir oo la sameynaya awgood ay qaybtan xirnaan doonto ilaa 7-da fiidnimo ee caawa.
Dayactirka ayaa laga sameynaya meesha lacagaha laga bixiyo ee Mlolongo Toll station ilaa Syokimau Toll Station.
Hasa ahaate sida laga soo xigtay shirkadda Moja Expressway , arrintan ayaan saameyn doonin ka bixitaanka goobtaasi.
Gaadiidleyda ka imaanaya Mlolongo ee ku soo wajahahn bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi ayaa lagula taliyay inay isticmaalaan dhinaca Syokimau entrance.