Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shirkadda qaxwada ee Java Coffee oo ku taalla dalka Belgium la soo saxiixday heshiis ay si toos ah ugu iibsanaysa qaxwada lagu soo saaro gudaha wadanka.
Gachagua ayaa qoraal uu soo saaray ku xusay in tani ay xaqiijin doonto in beeralayda qaxwada ay si toos ah uga macaashaan wax soo saarkooda iyadoo meesha laga saaraya dallaalliinta.
Heshiiska laba geesoodka ah ayaa qeexaya in Kenya ay wadanka Belgium u iibgeyn doonto ugu yaraan 700 oo taan oo qaxwa ah.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa shirkadda Java Coffee uga mahadceliyay heshiiskan ay Kenya la gashay.