Qatar oo Israa’iil ku eedeysay argagixisannimo

0
578

Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar Sheekh Maxamad bin Cabdulraxmaan bin Jassim Al Thani ayaa ku baaqay in dhiggiisa Israa’iil Benjamin Netanyahu la hor keeno cadaaladda.
Waxaa uu ku eedeynaya inuu gaystay waxa uu ku tilmaamay argagixisannimo dowladeed.
Tani ayaa timid ka dib weerarkii dhanka cirka ee ay Israa’iil ka fulisay caasimadda Qatar ee Dooxa.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto doorkeeda dhexdhexaadinta ee lagu kalsoon yahay ee gobolka Bariga Dhexe.