Dowladda dalka Qatar ayaa labo diyaaradood oo gargaar sido u dirtay marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxaa diyaaradahan lagu qaaday 87 taan oo isugu jirta cunto iyo daawooyin.
Deeqdan ayaa la marinaya magaalada El Arish ee dalka Masar sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku xusan in deeqdan ay tahay mid garab istaag loogu muujinaya shacabka Falastiin oo wajahaya xaalado adag oo baniaadannimo duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado marinka Qaza awgood.