Dowladda Qatar ayaa 23 taan oo gargaar caafimaad ah u dirtay dalka Libya.
Sidoo kale waxay halkaasi gaystay koox qaabilsan samata bixinta si ay uga qayb qaadato howlaha ka socdo magaalada Derna ee bariga dalkaasi oo ay saameyn wayn ka soo gaartay daadad iyo duufaanta Daniel.
Labo diyaaradood oo gargaar sido oo ka soo ambabaxay Dooxa ayaa gaaray magaalada Benghazi .
Mid ka mid ah howlwadeennada bisha cas ee Qatar ayaa sheegay in caawimaadaasi ay aad u badan tahay oo ay ku dadaalayaan in la wada gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa tirada dadka ku dhintay daadadkii Libiya ku sheegtay 3,922 qof in kastoo warbixinnada kale ay tilmaamayaan ugu yaraan 11,300.
Kumanaan qof oo kale ayaa weli la la’yahay oo laga cabsi qabo inay dhinteen.
Hay’adda bisha cas ee Libiya ayaa sheegaysa in weli loo baahan yahay qalab iyo khuburro khaas ah oo ka howlgeli karo magaalada Derna.