Qatar iyo Bahrain oo dib u soo celinaya xiriirkii ka dhexeyay

0
337

Dowladaha Qatar iyo Bahrain ayaa hadda ka shaqeynaya sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirkii dibloomaasiyadeed ee ka dhexeyay oo meesha ka baxay sanado ka hor.
Wufuud matalaya labada dal ayaa shalay ku kulmay xarunta xoghaynta guud ee golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC) oo ku taalla magaalada Riyadh ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaa kulanka dhacay bayaan ku xaqiijiyay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Qatar iyo Bahrain.
Shirka ayaa u dhexeyay xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar Axmed bin Xassan al-Hammadi iyo ku xigeenka xoghayaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Bahrain Sheikh Cabdulla bin Axmed Al Khalifa.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa xustay in kulanka uu sidoo kale ahaa mid lagu xoojinaya midnimada iyo isdhexgalka waddamada carbeed sida uu qabo heshiiska GCC.
Khilaafka labada dhinaca ayaa soo billowday sanadkii 2017 xilligaasi oo waddamada Bahrain, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Masar ay cunaqabateyn saareen Qatar oo ay ku eedeeyeen taageeridda argagixisada in kastoo ay taasi iska fogeysay xukuumadda Doha.