Qareenno uu hoggaaminaya Danstan Omari oo matali doono baadari dhawaan la xiray

0
278

Baadari lagu magacaabo Ezekiel Odero oo ay ciidamada ammaanka dhawaan ku xireen ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta ayaa qareennada kala ah Danstan Omari iyo Cliff Ombeta u soo xushay inay u doodaan maadaama uu dacwad wajahaya.
Garyaqaannada ayaa hoosta ka xarriiqay in baadariga uunan wax dembi ah lahayn ilaa iyo inta looga caddeynaya eedeymaha loo jeediyay.
Waxay sheegeen inay Ezekiel xabsiga ka soo saari doonaan 2-da bisha Shanaad ee May.
Sidoo kale waxay doonayaan in waaxda dacwad oogidda aan laga oggolaan codsi ah inay baadariga xabsiga ku sii hayso 30 cishe inta baaritaannada ka dhanka ah laga soo gabagabeynaya.
Waxaa baadariga loo haystaa in dad ku dhintay kaniisadiisa uu si qarsoodi ah ugu aasay keynta Shakahola ee deegaanka Malindi.
Sidoo kale baaritaannada ayaa looga gol-leeyahay in lagu xaqiijiyo in wax xiriir ah uu ka dhexeya Ezekiel iyo baadariga kale ee Paul Mackenzie.