Qareennada 47-ka ismaamul ayaa si adag uga jawaabay amatrada Maxkamadda Sare ee Nakuru ee joojiyay shaqaaleynta shirkadaha sharciga ee gaarka loo leeyahay, iyaga oo muujiyay walaac weyn oo ku saabsan saamaynta ay amaradan ku yeelanayaan dastuurka, hanaanka sharci, iyo maamulka dowlad deegaannada. Qareennada ayaa sheegeen in amaradaas ay halis gelinayaan awoodda deegaanka, hufnaanta garsoorka, iyo helitaanka caddaaladda, maadaama lagu soo rogay si ex-parte oo aan dhinacyada ay khusayso la dhegeysan, isla markaana u muuqda inay saameyn ku yeesheen wixii hore u dhacay.
Waxaa ay qareennadu xuseen in qareennada ismaamullada ay yihiin hay’ado dastuur ahaan madax bannaan, oo aan hoos iman xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa ayna ku adkeeyeen in amarradan ay wiiqayaan madax bannaanida iyo awooda howlgal ee degmooyinka. Waxaa kale oo la tilmaamay in dowlad deegaannada ay la kulmaan khataro sharci oo gaar ah sida dacwooyinka dastuuriga ah, khilaafaadka qandaraasyada, kiisas dhul iyo deegaan, dhexdhexaadin, iyo dacwooyin caalami ah, kuwaas oo aan si dhexe looga maamuli karin.
Qareennada ayaa xuseen in sharci ahaan ismaamullada ay xaq u leeyihiin inay la shaqeeyaan qareenada shirkadaha gaar loo leeyahay marka loo baahdo, iyaga oo soo xusay shuruucda iyo qodobbada oggolaanaya arrintan, sida Xeerka Xafiiska Qareenka ismaamulka, Xeerka Qandaraasyada Dadweynaha iyo Hantida, Xeerka Qareennada, iyo go’aanno hore oo ka soo baxay aqalka Senate-ka.
Waxa kale oo la tilmaamay caqabadaha joogtada ah ee qareennada degmooyinka, oo ay ka mid yihiin mushaharo hooseeya, dib u dhacyo mushaaro, iyo aan la bixin gunnooyin gaar ah.
Qareennada ayaa ka dhigeen in mamnuucid guud oo ku saabsan la shaqeynta qareennada shirkadaha gaarka loo leeyahay ay hakad galin doonto dacwooyinka muhiimka ah ee degmooyinka, waxaa ayna khatar gelin doontaa maamulka iyo maaliyadda ismaamullada. Waxaa ay ku adkeeyeen in dowlad deegaannada ay sii wadi karaan la shaqeynta qareeno gaar loo leeyahay ilaa maxkamad awood leh ay amar ka soo saarto, isla markaana amarrada Maxkamadda Sare ee Nakuru ay yihiin kuwo sharci ahaan aan la taageeri karin oo faragelinaya nidaamka dowlad qaybsiga.
Home Wararka Kenya Qareennada ismaamullada oo cambaareeyay amarrada Maxkamadda Sare ee Nakuru oo joojiyay shaqaaleynta...




