Qareennada Imran Khan oo racfaan ka qaadanaya xukun xabsi oo 3 sano ah

0
356

Waxaa lagu wadaa in maanta ay qareennada Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ay maxkamadda u gudbiyaan codsi racfaan ah oo ay uga soo horjeedaan xukun xabsi oo saddex sano ah oo siyaasigan lagu riday.
Khan ayaa la xukumay ka dib markii lagu cadeeyay ilaa 200 oo ah kiisas la xiriira musuqmaasuqa .
Dacwadahan ayuu wajahayay tan iyo markii bishii Afaraad ee sanadkii hore ay baarlamaanka Pakistan xilka uga qaadeen codka kalsooni kala laabashada.