Qareenada dalka oo sameyn doono bannaanbax nabad ah

0
269

Ururka ay ku mideysan yihiin qareenada wadanka ee LSK ayaa la filayaa inuu berri uu sideedda gobol ee wadanka ka sameeyo dibadbax nabad ah.
Garyaqaannada ayaa walaac ka muujinaya gaabad iyo dib u dhac shaqo oo ka jira xafiisyada diiwaangelinta dhulalka.
LSK ayaa ku doodaysa in hannaankii diiwaanka iyo ganacsiga dhulalka sanadkii 2018-kii looga dhigay mid casri inuusan wax ku ool noqon.
Ururkan ayaa intaasi ku daray in qaybaha bulshada ee u baahan adeegyada dhulalka inay dhibaatooyin wajahayaan.
LSK ayaa laga soo xigtay in kulamo ay bilihii lixaad, toddobaad iyo Siddeedaad ee sanadkii hore la yeesheen wasaaradda dhulalka si caqabadaha taagan looga gudbo aynan ka soo bixin natiijo miro-dhal ah.
Madaxa fulinta ee ururka qareennada dalka LSK,Florence Muturi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa iyo hadda aan la dhaqangelin soo jeedinno lala wadaagay wasaaradda dhulalka.
Waxay intaasi ku dartay in bannaanbaxa ay qorsheyeen berri uusan keliya ahayn qaylo-dhaan shacab balse sidoo kale lagu diiwaangelin doono caqabadaha jira si loogu bandhigo wasaaradda arrimaha dhulalka ee wadanka.
Sida bayaanka LSK ku cad , dibadbaxa ayaa abaare 10-ka barqanimo ee berri ka billaaban doono xarunta dhexe ee maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court waxayna xubnaha socdaal ku tagi doonaan daarta Ardi house ee wasaaradda dhulalka