Qareen Kenyaan ah oo ka mid noqonaysa guddi baaraya xadgudubyada Itoobiya

0
533
Senetarka ismaamulka Siaya James Orengo iyo xaaskiisa Kaari Betty Murungi

Qareen u dhalatay dalkani Kenya oo lagu magacaabo Kaari Betty Murungi ayaa loo soo xushay inay ku biirto guddi ka kooban saddex xubnood oo loo xilsaaray inuu baaritaano qoto dheer ku sameeyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo laga soo tabiyay wadanka Itoobiya.
Xadgudubyada ayaa ka dhashay dagaalka u dhexeya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xoogagga xoreynta gobolka waqooyi ee Tigray ee (TPLF).
Murungi ayaa la shaqeyn doonto Steven Ratner oo u dhashay Maraykanka iyo dacwad oogihii hore ee maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da Fatou Bensouda.
Waxaa guddigan soo saaray golaha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka.
Bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii kal-fadhigii 47-aad ee golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay lagu go’aamiyay in guddi gaar ah loo saaro dabagalka dhibaatooyin ka dhacay Itoobiya.