Qareen kenyaan ah oo doonaysa inay ku biirto ICC

0
277

Garsoore Wanjiru Karanja oo ka howlgasho maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa ka mid ah 14 qof oo daneynaya inay ka mid noqdaan xaakinnada maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Dadkan ayaa loolan ugu jiro 6 jago oo uu xulan doono golaha waddamada xubnaha ka ah ICC-da.
Waxaa uu qorshuhu yahay in golahan uu inta u dhexeysa 4-ta ilaa 14-ka bisha 12-aad ee sanadkan uu yeesho kal-fadhigiisa 22-aad.
Garsoore Wanjiru Karanja ayaa lagu soo xushay liiska ugu horreeya oo ay ku jiraan xaakinnada aqoon iyo waaya aragnimo badan u leh xeerarka falal dambiyeedyada.
Muddo 38 sano ayay garsoore ahayd.