Dacwad ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Sharciga ee Milimani ee magaalada Nairobi iyadoo laga dalbaday amar degdeg ah si loo joojiyo Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) inay qabtaan doorasho kasta ilaa ay dhammaystiraan dib u eegista dastuuriga ah ee xuduudaha degmooyinka iyo xaafadaha.
Dacwoodaha oo lagu magacaabo Philip Kipkemoi Langat oo ah qareen Kenyaan ah ayaa ku dooday in Qodobka 89 uu uga baahan yahay Guddiga inuu dib u eego xuduudaha doorashooyinka muddo 8 ilaa 12 sano ah, iyadoo dib u eegis kasta la dhammaystiray ugu yaraan laba iyo toban bilood ka hor doorasho guud.
Qareenka Langat, Felix Keaton, ayaa ku dooday in Guddiga uu ku guuldareystay inuu bilaabo dib u eegista, inkastoo si buuxda loo magacaabay bishii Luulyo 2025-ka ka dib muddo bannaan oo ay sababeen is casilaado, howlgabnimo, iyo shaqa ka cayriska maxkamadeed.
Dacwoodaha ayaa ka digay in qabashada doorashooyinka ka hor dib u eegista ay wiiqayso matalaadda, iyadoo la tixgelinayo isbeddellada ku yimid qaybinta dadweynaha, kobaca magaalooyinka, iyo danaha bulshada.
Waxaa uu maxkamadda ka codsaday inay xaqiijiso codsiga inay tahay mid degdeg ah oo la dhageysto mudnaanta, xaqiijiso inay keenayso su’aalo muhiim ah oo sharciga ah oo ay dhageystaan ugu yaraan saddex garsoore, iyo inay soo saarto amar ka mamnuucaya Guddiga inuu qabto doorasho kasta ilaa howsha kala goynta ay dhammaato.




