Qareen doonaya in maxkamadda ay ka talo-bixiso dibadbaxyada Azimio

0
428

Qareenka rug-cadaaga ah ee John Khaminwa ayaa warqad u qoray madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.
Waxaa uu doonaya in maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ay soo saarto talo ku aaddan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda ee ay sameeyaan siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya.
Khaminwa ayaa dalbanaya in Koome ay caddeyso in xaddidaad la saari karo xuquuqda dastuuriga ee isku imaatinka iyo dibadbaxyada sida ku qeexan farqada 37-aad ee dastuurka Kenya.
Waxaa uu garyaqaanka sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda dalka ka taagan ay tahay mid walaac laga muujiyo oo la doonayo in si degdeg ah wax looga qabto si looga hor tago qalalaase oo ayna nolosha ugu sii socoto sidii caadiga ahayd.
29-kii bishii hore ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu mamnuucay dibadbaxyada Azimio isagoo xusay inay isku beddelaan rabshado.
Hasa ahaate isbeheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa amarkaasi ku gacan sayray waxayna wacad ku mareen inay sii wadayaan dibadbaxyada ilaa iyo inta dowladda dhexe ay ka xallinayso tabashooyinkooda.
Waxyaabaha ay Raila iyo xulafadiisa dalbanayaan waxaa ka mid ah in dowladdu ay hoos u dhigto qiimaha sarreeya ee maciishadda, in la furo keydka diiwaanka doorashada ee IEBC maadaama uu Raila qabo inuu ku guulaystay codeyntii guud ee sanadkii hore balse la musuqmaasuqay iyo in la joojiyo geeddisocodka lagu shaqaaleysiinaya howlwadeenada cusub ee guddiga doorashooyinka dalka.
Qareen John Khaminwa ayaa hadda doonaya in madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Martha Koome ay ka talo-bixiso waxa uu ku tilmaamay hubanti la’aanta jirta.