Garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullahi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horay la oran jiray Twitter-ka ku sheegay inuu dacwad u gudbinaya maxkamadda arrimaha cadaaladda ee Bariga Afrika ee East African Court of Justice.
Waxaa uu ka soo horjeedaa go’aankii ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court oo qareenka iyo shirkadiisa bixisa adeegyada sharciga looga mamnuucay inay maxkamaddaasi ka soo hormuuqdaan ama ay cid ku matalaan.
Qareenka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu musuqmaasuq ka dhex jiro maxkamadda ay hoggaamiso madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.
Waxaa qoraalkiisa qayb ka ah in uu qareenadiisa ku amray inay dacwad u gudbiyaan maxkamadda cadaaladda ee Bariga Afrika maadaama uunan doonayn inuu waqti uga lumo maxkamadda ugu sarreysa dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii bayaan ka soo baxay diiwaangeliyaha maxkamadda ugu sarreysa wadanka lagu sheegay in tallaabada Axmadnaasir looga mamnuucay ka soo hormuuqashada maxkamadda lagu saleeyay inuu baraha bulshada iyo warbaahinnada kala duwan ku dhaleeceeyay maxkamadda.
Hasa ahaate waxaa qareenka difaacay garyaqaannada kale sida James Orengo iyo madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Eric Theuri oo sharci darro ku tilmaamay go’aanka maxkamadda.
Ururka LSK ayaa dalbanaya in tallaabadaasi laga laabto oo la raalligeliyo qareenka.
Home Wararka Kenya Qareen Axmadnaasir Cabdullahi oo dacwad geynaya maxkamadda cadaaladda ee Bariga Afrika




