Qaraxyo xoogan oo saaka ruxay caasimadda dalka Venezuela

0
291

Qaraxyo xoogan ayaa saaka laga maqlay caasimadda Venezuela ee Caracas, iyadoo xiisadda Mareykanka iyo Venezuela ay sii xumaanayso.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhawaaqyo waaweyn laga maqlayay Caracas saacadihii hore ee subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegeen goobjoogayaal
Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku warantay in ugu yaraan toddobo qarax iyo diyaarado joog hoose ku duulaya laga lagu arkayay magaalada Caracas.
Aagga koonfureed ee magaalada, oo u dhow saldhig milatari oo weyn, ayaa la sheegay in koronto la’aan ay tahay.