Qaraxii saaka ka dhacay Ceelwaaq oo la sheegay inuu ka dhashay bam lagu soo rakibay gaari dameer si aan loo aqoonsan

0
471

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qaraxa saaka ka dhacay magaalada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera uu ka dhashay bam lagu soo rakibay gaari dameer si aan loo aqoonsan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in goobta uu qaraxa ka dhacay laga sameeyay daadgureyn iyadoo uu socdo baaritaan qaraxaasi la xiriira.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa waxaa uu bayaanka ku codsaday in dadweynaha ay laamaha ammaanka la wadaagaan xogaha ay hayaan si gacanta loogu soo dhigo cidii falkaasi ka dambeysay.
Waxaa uu Kindiki xusay in dambiilayaal ay ka faa’iidaysanayaan xaaladda cimillada ee dalka ka jirta iyo dadaallada looga falcelinaya musiibada daadadka si ay khalkhal u geliyaan amniga qaran.