Waxaa maanta qarax xooggan uu ka dhacay mid ka mid ah huteellada laga cunteeyo ee ku yaalla magaalada Mandera (Fish Point).
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka ag dhow saldhigga dhexe ee booliiska ee magaalada Mandera.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la soo warinaya inay jiraan dhimisho iyo dhawac badan inkastoo oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijinin tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Laamaanaha ammaanka ayaa hadda wada dadaalo lagu sugaya amniga agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo dadkii ku dhaawacmay qaraxan loo qaaday isbitaalka weyn ee Mandera.
Warkan waa uu isa soo taraya ee halkan kala soco wixii ka soo kardho.