Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

0
535

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo gor dhaweyd ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Tarabuunka iyo waddada ka timaada dhinaca isbitaalka Masaarida, kaas oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa miino waddada hareeraheeda la dhigay ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala beegsaday Gaari Ciidan balse uu ka badbaaday, hayeeshee waxaa ku dhintay laba Ruux oo Shacab ah, mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo waddada marayay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka labada Ruux iyo dhaawaca qofka kale, waxaana muddo saacad ku dhow oo waddada ay xireen ka dib ay dib u fureen.
Qaraxyada miinada waddada hareeraheeda la dhigo iyo kuwa dhulka lagu Aaso ayaa aad ugu badan Magaalada Muqdisho, waxaana dhowr jeer lagu dilay mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.