Ugu yaraan 21 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax laga soo tabiyay masjid ku yaalla caasimadda Kabul ee wadanka Afghanistan.
Dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa laga soo xigtay in masjidka dad badan ay ku cibaadeysanayeen.
Ila wareedyo ka tirsan caafimaadka ayaa laga soo xigtay in ilaa 33 qof ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Afhayeenka xukuumadda Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa xaqiijiyay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxa, balse ma uusan cayimin inta ay la egtahay.