Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay qarax gaari oo dhacay fiidnimadii Isniinta kaasoo ka dhacay aaga Red Fort ee ku taala caasimadda Hindiya ee New Delhi.
Illaa hadda lama sheegin sababta ka dambeysay qaraxa, balse booliiska caasimadda Hindiya ayaa ku dhawaaqay sharciga ka hortagga argagixisada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Hindiya Amit Shah ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay wax yar ka hor 7-da fiidnimo saacadda maxalliga iyadoo la rumeysan yahay inuu ka dhashay gaari nooca Hyundai i20 oo tagnaa calaamadda taraafikada ee casaanka ah.




