Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay qaxooti bad ku dhintay

0
261

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay in sanadkii hore ay bad ku dhinteen qaar ka mid ah qaxootiga bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya.
Waxay hay’addu xustay in haddii aan tallaabo la qaadin qaxooti badan ay badda ku dhamaan doonaan.
In ka badan 3,500 oo ah qaxootiga bulshada Rohingya ayaa sanadkii hore isku dayay inay badda ka gudbaan.
UNHCR ayaa laga soo xigtay in tirada qaxootiga ee dhintay ama la waayay ay tahay ugu yaraan 348 qof.
Ku dhawaad boqolkiiba 45 ee dadkan ayaa ahaa haween iyo carruur.