Sarkaal sare oo ka tirsan qaramada midoobay ayaa walaac ka muujiyay in 52 waddan oo ka mid ah dalalka caalamka ay dhibaatooyin kala kulmayaan bixinta deymo lagu leeyahay.
Achim Steiner,madaxa barnaamijka horumarka ee qaramada midoobay ee UNDP ayaa sheegay in dalalkan ay u baahan yihiin caawimaad dhaqaale oo degdeg ah.
Waxaa uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in waddamadan ay in ka badan shan meelood hal meel dakhliga soo galo ay ku bixiyaan deymo shisheye.
In kastoo uunan Steiner si gaar ah u shaacin magacyada dalalkan haddana waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga cafiyo boqolkiiba 30 ee deymaha lagu leeyahay.