Qaramada Midoobay oo sheegtay in ugu yaraan 100 haween oo maxaabiis ah lagu kufsaday Goma

0
389

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegay in ugu yaraan 100 haween oo maxaabiis ahaa la kufsaday ka dibna la gubay iyagoo nool.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ka baxsadee xabsi ku yaalla magaalada bari ee Goma ee dalka DRC.
Isniintii hore ayay ahayd markii boqolaal maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsiga Munzenze ka dib markii dagaalyahaannada kooxda fallaagada ah ee M23 ay billaabeen in ay magaaladaasi qabsadaan.
Dokumeenti laga soo xigtay qaramada midoobay oo ay BBC-da sheegtay in ay aragtay ayaa waxaa ku xusan in haween ay tiradoodu u dhexeysa 165 ilaa 167 qof ay ku xadgudbeen rag maxaabiis ahaa.