In ka badan 50 qaxooti ka soo barakacay dagaallada ka socda Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ku dhintay dalka deriska la ah ee Burundi, sida ay Qaramada Midoobay u sheegtay warbaahinta Reuters Jimcihii.
Waxaa la diiwaangeliyay 53 dhimasho oo guud, iyadoo 25 qof ay u geeriyoodeen cudurka Cholera, halka lix kalena ay u dhinteen sababo la xiriira dhiig yaraan iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay nafaqo xumo.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay la shaqeynayso wasaaradda caafimaadka iyo la howlgalayaal kale si ay u baarto sababaha dhimashada dadka kale.
In ka badan 100,000 oo qof oo reer Congo ah ayaa magangalyo ka raadsaday Burundi tan iyo markii colaadaha ka soo cusboonaaday xuduudda bilowgii December, iyadoo kooxo hubeysan ay qabsadeen magaalada Uvira, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Wasaaradda arrimaha bulshada ee Congo ayaa sheegtay inay hogaaminayso howlgal bini’aadantinimo oo lagu caawinayo dadka barakacay ee reer Congo ee ku sugan Burundi, iyagoo siinaya cunto, daawooyin, iyo alaabooyin aan cunto ahayn.




