Qaramada midoobay ayaa sheegtay in koox fallaago ah oo xiriir la leh ISIS ay gudaha jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ay ku dishay in ka badan 30 ruux.
Weerarradan ayaa horraantii toddobaadkan laga soo tabiyey gobolka Ituri ee Congo.
Howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee DRC ee MONUSCO ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dilalka laga xiriirinaya kooxda ADF .
Madaxa howlgalkan ,Bintou Keita ayaa cambaareysay dilalka waxayna dalbatay in si degdeg ah loo joojiyo bartilmaameedsiga shacabka.