Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada M23 ay ku dishay DRC

0
297

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in fallaagada M23 ee dalka Congo ay bariga wadankaasi ku dishay ugu yaraan 131 qof oo rayid ah.
Maamullada dowladda DRC ayaa dhankooda tiradan ku sheegay 300 oo qof.
Weerarrada ayaa 29-kii ilaa 30-kii bishii hore ka dhacay tuulada Kishishe ee bariga gobolka North Kivu .
Hasa ahaate kooxda ayaa iska fogeysay inay xasuuqan gaysatay .
Waxaa ay sheegtay in Siddeed qof ay ku dhinteen rasaas wiifta ah.
Howlgalka nabad sugidda qaramada midoobay ee Congo ee MONUSCO ayaa intaasi ku daray in 8 qof la dhaawacay halka 60 kalena la afduubay.
Bayaanka waxaa ku cad in la kufsaday ugu yaraan 22 haween ah halka la faraxumeeyay 5 gabdhood.