Qaramada midoobay oo Ruushka u sheegtay inuusan ku guulaysan doonin dagaalka Ukraine

0
317

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Ruushka u sheegay inaysan guul ka gaari doonin duullaanka militari ee ay qiyaastii hal bil ka hor ku qaadday dalka Ukraine.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay magaalada New York ee Maraykanka ayuu Guterres xusay in la joogo xilligii ciidamada Ruushka ay soo afjari lahaayeen weerarrada si ay fursad ugu helaan ka shaqeynta nabadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in mar dhow ama xilli dambe ay xukuumadda Moscow dantu ku qasbi doonto inay dib ugu laabato miiska nabadgalyada isagoo xusay in tani ay lagama maarmaan tahay.
Waxaa uu arrin isweydiin mudan ku sheegay imisa qof ayay dowladda Ruushka doonaysa inay ku disho gudaha Ukraine ka hor inta aysan xal kale raadin.
Waxaa uu labada dhinac ugu baaqay wada hadallo degdeg ah isagoo sheegay inay jiraan qodobbo badan oo saaran miiska wada hadalka oo ay ka mid tahay in si degdeg ah xabad joojin loo dhaqangeliyo.