Qaramada midoobay oo qeylo dhaan ka soo saartay abaarta ka jirta Soomaaliya

0
356

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaarta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, halka ay bil ka hor ahayd 3.2 milyan oo qof.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.
OCHA waxay sheegtay in sanduuqa dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu 25 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah u qoondeeyay wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya uu dhaqaalahan ku kabay 6 Milyan oo Doollar.
OCHA waxay xustay in maalgelin dheeri ah si degdeg ah loogu baahan yahay, taas oo loogu talagalay Qorshaha ka jawaabidda Bani’aadamnimada ee Soomaaliya 2022.