Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres oo cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay isbitaal ku yaalla Qaza ayaa dhanka kale ku baaqay xabbad joojin degdeg ah.
Waxaa uu dalbaday in iyadoo la tixgelinaya baniaadannimada in Israa’iil iyo Xamaas ay gaaraan heshiis xabbad joojin ah.
Tani ayuu sheegay inay fududeyn karto dhibaatooyinka baniaadannimo ee halkaasi ka taagan.
Guterres ayaa arrinkan ka sheegay madasha mashruuca kaabayaasha waddooyinka ee ka socdo magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.