Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa ku baaqday in baaritaan heer caalami ah lagu sameeyo weerarkii lala eegtay isbitaalka ku yaalla Qaza ee ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.
Waxay dooonaysa in baaritaannada ay noqdaan kuwo madax bannaan si loo ogaado cidii ka dambeysay duqeyntii xarunta caafimaad ee Al-Ahli horraantii toddobaadkan.
Dhanka kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inay dhinacyo kala duwan kala hadlayaan sidii meesha looga saari lahaa xannibaado lagu soo rogay Qaza.
Dhimashada gudaha Qaza ee ka dhalatay weerarrada Israa’iil ayaa kor u dhaaftay 4,000 oo qof.
Ugu yaraan 4,137 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo 7-dii bishan halka dhimashada dhanka Israa’iil ay weli tahay ugu yaraan 1,400 oo ruux.