Qaramada midoobay oo joojisay howlaheeda Afghanistan

0
209

Qaramada midoobay ayaa shaacisay inay si ku meel gaar ah u joojisay qaar ka mid ah barnaamijyada muhiimka ee ay ka fulinaysay dalka Afghanistan.
Waxay ka digtay in howlo kale oo muhiim ah ay hakad geli doonaan.
Tani ayaa loo aaneeyay amar dhawaan ka soo baxay kooxda Taalibaan ee maamusho wadanka Afghanistan kaaso lagu mamnuucay in haweenka ay ka shaqeeyaan hay’adaha maxalliga, kuwa caalamiga iyo ururrada aan dowliga ahayn.
Madaxda hay’adaha qaramada midoobay oo uu ka mid yahay isku duwaha arrimaha gargaarka Martin Griffiths, ayaa Taalibaan ugu baaqay inay go’aankeeda ka laabato.
Kooxda ayaa sidoo kale loo soo jeediyay inay meesha ka saarto amarkii ay ku mamnuucday in ardayda gabdhaha ah ay dhigtaan jaamacadaha wadankaasi.