Qaramada Midoobay ayaa daahfurtay olole ay in ka badan hal bilyan oo doolar ay ugu uruurinaysa dalka Turkiga ka dib dhul gariirkii xoogganaa ee saameeyay.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa howlaha gurmadka.
Tani ayaa ku soo beegmaysa labo cishe un ka dib markii jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay codsatay in 400 oo milyan oo doolar loo uruuriyo shacabka Syria ee ay saameynta ka soo gaartay dhul gariirka halkaasi ku dhuftay.
Dhul gariirkii dhacay 6-dii bishan ayaa waxaa gudaha Turkiga gaar ahaan dhanka Koonfureed ugu dhintay ugu yaraan 36,187 qof halka dhimashada laga diiwaangeliyay Syria ay tahay 5,800 ruux.




