Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ,Antonio Guterres ayaa sheegay in bisha Sagalaad ee sanadka soo socdo la qaban doono shirweyne ku saabsan xallinta saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa uu dowladaha caalamka ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada isbeddelka ku yimaado cimillada.
Guterres ayaa shir jaraaid ka sheegay in dunida aynan meel wanaagsan ku jiheysnayn marka la eego la tacaalidda caqabaddan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sanadka 2023-ka , dowladaha caalamka lagula xisaabtami doono tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ay qaadeen ee ka dhanka ah isbeddelka cimillada.