Qaramada Midoobay oo doonaysa in loo gargaaro 18 milyan oo ku dhibaateysan Suudaan

0
330

Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay codsi ay ku doonaysa in gargaar baniaadannimo loo fidiyo 18 milyan oo qof oo ku nool dalka Suudaan oo ay saameeyeen dagaallada halkaasi ka taagan.
Iskudhacyada u dhexeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo kuwa sida militariga u tabaran ee RSF ayaa soo billowday 15-kii bishii Afaraad ee sanadkan.
Hay’adda ayaa sheegtay inay u baahan tahay ku dhawaad 3 bilyan oo doolar oo ay ku fidn karto gargaar nolol badbaadin ah.
Xafiiska qaramada midoobay ee isku duwidda arrimaha baniaadannimo ee OCHA ayaa horay u sheegay in loo baahan yahay lacag dhan 2.56 bilyan oo doolar.
Hasa ahaate qiimaha codsiga ayaa la kordhiyay ka dib markii hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee (UNHCR) ay sheegtay inaynan haysan 472 milyan oo doolar oo lagu caawin karo dadka u qaxay xuduudaha Suudaan.
Wakiilka xafiiska OCHA ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland Ramesh Rajasingham ayaa laga soo xigtay in 25 milyan oo qof oo ah in ka badan kala bar tirada dadweynaha Suudaan inay hadda u baahan yihiin gargaar baniaadannimo iyo badbaadin.
Dagaalka Suudaan oo socdo in ka badan hal bil ayaa waxaa ku barakacay ku dhawaad hal milyan oo ruux.
Tirada barakacayaasha gudaha wadankaasi ayaa gaartay 730,000 halka dadka u qaxay dhanka dalalka Suudaan dariska la ah ay tahay 220,000 oo qof.
OCHA ayaa sidoo kale sheegtay in loo soo gudbiyay warbixinno naxdin leh oo ku aaddan tacaddi galmo halka dhibanayaasha aynan caawimaad helin waxayna dhibaatadan si wayn u saameysay carruurta.