Qaramada Midoobay oo dalbatay soo afjaridda rabshadaha Myanmar

0
350

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa markii ugu horreeysay qaatay qaraar ka dhan ah Myanmar muddo 74 sano ah.
Xubnaha golaha ayaa dalbaday in dowladda dalkaasi ay soo afjarto rabshadaha wadanka saameeyay.
Sidoo kale taliyeyaasha militariga ee Myanmar ayaa loogu baaqay inay xabsiyada ka siidaayaan maxaabiista siyaasadeed oo ay ka mid tahay madaxii wadankaasi ,Aung San Suu Kyi.
Bishii labaad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii ciidamada qalabka sida ee Myanmar ay awoodda kala wareegeen Suu Kyi iyo maamulkeedi.
Militariga ayaa xabsi dhigay haweeneydan iyo saraakiil kale waxayna si awood leh uga falceliyeen dibadbaxyo ay shacabka ku taageerayaan nidaamka dimuqraadiga.
Howlgallada ciidamada ayaa lagu dilay kumannaan qof halka la xiray in ka badan 16,000 .
Waxaa codeynta golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka aamusay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka oo lagu eedeyay inay taageerayeen madaxda militariga Myanmar tan iyo afgembigii dhacay sanadkii hore.
Dowladda India ayaan sidoo kale codkeeda ku biirin qaraarka ka dhanka ah Myanmar.
12-ka xubnood ee kale ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa u codeeyay qaraarka ay soo saareen.
Ergeyga Ingiriiska ee qaramada midoobay Barbara Woodward, ayaa sheegtay inay farriin cad u direen militariga Myanmar iyagoo adeegsanaya qaar ay rajeynayso in si buuxda loo dhaqan geliyo.