Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa Maraykanka iyo bangiga adduunka ugu baaqay inay soo saaraan lacagaha xanniban ee dowladda Afghanistan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay fududeyn karto in laga hor tago musiibo baniaadannimo oo saameysa shacabka dalkaasi.
Mr. Guterres waxaa uu shaaciyay in 8.7 milyan oo ka mid ah dadweynaha Afghanistan ay macluul qarka u saaran yihiin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay gargaar dibadeed oo si degdeg ah dib loogu soo nooleynaya dhaqaalaha sii liicaya ee Afghanistan.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa dhanka kale beesha caalamka ka ugu baaqay inay garab siiso codsigii ahaa 5 bilyan oo doolar oo la doonayo in wax looga qabto xaaladda baniaadannimo ee gudaha wadanka Afghanistan.
Tani iyo markii bartamihii bishii siddeedaad ee sanadkii hore kooxda Taalibaan ay la wareegtay xukunka Afghanistan ayaa waxaa la xannibay dhaqaale badan oo lagu taageeri jiray dowladda dalkaasi tani oo sii adkeysay nolosha malaayiin qof.