Qaramada midoobay oo cambaareysay howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada Colombia

0
740

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ayaa ciidamada ammaanka ee dalka Colombia ku dhaliilay qaabka ay kaga falcelinayaan mudaharaadyada.
Waxay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa sheegtay in boolisku ay rasaas ku fureen dibadbaxayaasha.
Shacabka ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyaga oo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan isbeddello dhanka canshuurta ah oo la soo jeediyay.
Haweeney u hadashay qaramada midoobay oo lagu magacaabo Maria Hurtado ayaa sheegtay in ay sameynayaan baaritaano lagu xaqiijinaya tirada rasmiga ee dadka lagu dilay dibadbaxyada.