Qaramada Midoobay: Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa halis

0
632

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa sheegtay in mustaqbalka Soomaaliya uu halis ku jiro.
Waxay sheegtay in dalka uusan horey u socon karin Puntland oo aan si buuxda oo loo wada dhan yahay qayb uga ahayn.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay kulan ay madaxweyne Deni kula yeelatay Garoowe, inay kala hadashay sidii loo yarayn lahaa xiisadaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa wax ka beddelka Dastuurka, ee u dhexeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka maqlo madaxweynaha Puntland in ay ka go’an tahay in uu isku dayo in arrintan xal loo helo, si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay,” ayay tiri wakiiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqday hay’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliya , sida lagu sheegay go’aan ka soo baxay kulan ay yeesheen golaha wasiirrada ee Puntland
Go’aankan ayay Puntland u gaartay iyadoo ka jawaabaysay go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel mariyeen wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.