Qadar oo baaq ku aaddan Israa’iil u dirtay caalamka iyo Israa’iil oo qorshe wadda

0
458

Hay’adda warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in ciidammada Israa’iil ay dhammaystireen qabanqaabada wajiga labaad ee howlgalka ay ku doonayaan in ay si buuxda ula wareegaan magaalada Qasa
Hay’addu waxay tilmaamtay in inkastoo howlgalku uu la kulmi doono cambaarayn caalami ah oo balaadhan, haddana shakhsiyaad sarsare oo dhinaca ammaanka iyo siyaasadda ah ayaa xaqiijiyay in aanay jirin wax kale oo aan ahayn in la balaadhiyo dagaalka, iyadoo ay jirto hakad ku yimid wadahadallada ku saabsan heshiiska sii daynta maxaabiista, kaddib weerar ka dhan ahaa hoggaamiayaasha Xamaas ee ku sugan dallka Qadar oo ay Israa’iil ka fulisay Dooxa.
Dhanka kale, wrabaahinta Channel 12 ee Israa’iil ayaa ka soo xigatay taliyaha ciidammada Eyal Zamir oo farriin uu u diray hoggaanka siyaasadeed, kaddib shir qarsoodi ah oo dhacay fiidnimadii Axadda,