Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga DP ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha baarlamaanka dalka Justin Muturi ayaa ka soo horjeestay tallaabo uu shalay mas’uulkan ugu biiray isbeheysiga Kenya Kwanza.
Xubnaha aan ku qancin go’aanka uu qaatay hoggaamiyahooda ayay wararku sheegayaan inay warqad u qoreen xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Xoghayaha guud ee xisbiga DP ,Wambugu Nyamu ayaa laga soo xigtay inay horay ugu heshiiyeen inaysan isbeheysi ku biirin ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay mowqifkooda caddeeyeen 20-kii bishii Labaad ee sanadkan oo uu qabsoomay shirweynaha ergada qaran ee xisbiga ee (NDC) .
Wambugu ayaa intaasi ku daray inay la yaab ku noqotay in Justin Muturi uu ku biiray Kenya Kwanza taasoo uu xadgudub ku tilmaamay.
Xoghayaha DP ayaa ku celceliyay in Mr. Muturi uunan tixgelin rabitaanka xubnaha xisbiga eek u cad qaraarka laga soo saaray kulankii ergada.
Mr.Nyamu ayaa sheegay in warqadda ay qoreen ay ku dalbanayaan in waxba kama jiraan laga soo qaado heshiiska uu madaxa xisbiga DP Justin Muturi la galay siyaasiyiinta uu hor kacaya madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.