Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Azimio oo doonaya in baarlamaanka uu yeesho kal-fadhi gaar ah

0
196

Qaar ka mid ah xildhibaannada dalka ee ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya ayaa doonaya in Talaadada soo socoto uu baarlamaanka yeesho kal-fadhi gaar ah.
Waxay dalbanayaan in kulankaasi looga arrinsado dib u dhaca ku yimid bixinta lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF).
Mudanayaasha oo gaaraya 41 oo uu hor kacaya xildhibaanka deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo ayaa warqad arrinkan ku aaddan u gudbiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah iyo madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay Opiyo Wandayi.
Waxay madaxdu sheegeen in ilaa iyo hadda wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ay bixisay keliya shan meelood hal meel lacagaha horumarinta deegaannada.
Otiende Amollo ayaa xusay inay yihiin wakiillada la soo doortay ee matalaya shacabka si toos ah uga faa’iido sanduuqa qaran ee NG-CDF sidaasi awgeedna ay walaac ka muujinayaan in ilaa iyo hadda lagu wareejiyay 30 milyan oo shilin.
Xeer dejiyaasha dalka ayaa horay wacad ugu maray inay xil ka qaadis ku sameyn doonaan wasiirka maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndungu .