Qaar ka mid ah senatarrada dalka oo doonaya in xilka laga qaado wasiirka adeegga dadweynaha

0
230

Qaar ka mid ah senatarrada dalka ayaa dalbanaya in xil ka qaadis lagu sameeyo wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Moses Kuria.
Tani ayaa timid ka dib markii Kuria uu aqalka sare ku dhaliilay geeddisocodka dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare Aaron Cheruyoit ayaa sheegay in wasiirka adeegga dadweynaha uu muujiyay habdhaqan liddi ku ah jagada uu hayo.
Moses Kuria ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo yaqaanay Twitter-ka waxaa uu su’aal geliyay caddeymaha loo cuskaday xil ka qaadistii Kawira oo uu ku tilmaamay inaynan gaarsiisnayn heer ay xafiiska banneyso.
Hasa ahaate Aaron Cheruyoit oo sidoo kale ah senatarka ismaamulka Kericho ayaa qoraalka Moses Kuria ku sheegay mid lagu liidaya senatarrada oo laga dheehan karo in xubnaha aqalka sare aynan lahayn awood ay ku qiimeeyaan waxyaabaha loo gudbiyo ka dibna ay uga soo saaraan go’aan wax ku ool ah.
Waxaa uu sheegay in Moses Kuria uu marar badan adeegsaday hadallo iyo qoraallo ceeb ku ah madaxweynaha dalka oo xilka wasiirnimo u magacaabay.
Senatarka ismaamulka Homabay Moses Kajwang ayaa dhankiisa hoggaanka aqalka sare ka codsaday inuu guda galo habraac uu baarlamaanka xilka uga qaadaya wasiirka adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria.
Waxaa dareen kani la mid ah muujiyay senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna oo habdhaqanka wasiirku ku tilmaamay fadeexad qaran.
Senatarka dowlad deegaanka Meru ,Murungi Kathuri ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu xilka ka qaado Moses Kuria.
Xalay ayay ahayd markii guddoomiyaha aqalka sare , Amason Kingi uu wasiirka uga digay inuu ka faalloodo dhageysiga mooshinka ka dhanka ah barasaabka Meru.
Kingi ayaa wasiirka u sheegay in haddii uunan digniintan tixgelin , in loo yeeri doono.
Hasa ahaate Moses Kuria ayaa digniintaasi dafiray wuxuuna sheegay magacyada dhowr senatar tani oo loo arkay faragelinta howlaha senate-ka.