Qaar ka mid ah madaxda soomaalida oo Nuurdiin Xaaji ka difaacay eedeyn uga timid Gachagua

0
411

Senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba iyo barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Garissa Cabdi Dhaqane Muxumad ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn uu shalay madaxweyne ku xigeenka dalka u jeediyay agaasimaha adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS Nuurdiin Xaaji.
Waxaa uu ka dalbaday inuu dusha saarto mas’uuliyadda dadkii ku dhintay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay maadaama sida uu hadalka u dhigay uu gabay waajibaadkiisa shaqo.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS uu ku guuldareystay inuu madaxweyne William Ruto kula taliyo in Kenyaanka ay diideen hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2024.
Waxaa uu ku baaqay inuu is casilo agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji.
Gachagua ayaa xusay in haddii adeegga qaran ee NIS uu shaqadiisa gudan lahaa, aynan dhicin lahayn dhacdooyinkii dhimashada iyo dhaawacyada ee la diiwangeliyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo markii uu sanadkii hore Nuurdiin Xaaji la wareegay hoggaanka sirdoonka qaranka in adeeggan uu ku guuldareysatay inuu sida habboon u qiimeeyo dareenka dadweynaha, gaar ahaan sharciga maaliyadda .
Eedeymaha uu Gachagua u jeediyay Nuurdiin waxaa ka mid ah dacaayad uu isaga iyo madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta kula xiriirinaya rabshadihii dhacay ee mudaaharaadyada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in sirdoonka qaranka loo adeegsanaya bartilmaameedsiga xildhibaanadii ka soo horjeestay ansixintii hindise sharciyeedka maaliyadda .
Rigathi Gachagua ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto ay ballan qaadeen in aan maamullada ammaanka loo adeegsan doonin arrimo siyaasadeed.
Hasa ahaate Cali Ibraahim Roba iyo Cabdi Dhaqane Muxumad ayaa Gachagua ku eedeyay inuu ku howlan yahay bartilmaameedsi shakhsiyeed isagoo isku dayaya inuu daboolo gaabadka shaqo ee dowladda sare iyo khilaafka la sheegay inuu kala dhexeeya madaxweynaha dalka.
Cali Roba ayaa dhaliisha madaxweyne ku xigeenka dalka uu u jeediyay agaasimaha guud ee adeegga sirdoonka qaranka ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn oo la dhibsado.
Waxaa uu ku eedeynayaa inuu mas’uulkan ka soo horjeeday tan iyo markii jagadan loo magacaabay taasina ay wax u dhimaysa matalaadda gobollada ee xilalka dowladda.
Cali Roba ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay iska caddeyd in kenyaanka aynan ku qanacsanayn hindise sharciyeedka maaliyadda sidaasi awgeedna dibadbaxyadii la qorsheeyay ee qabsoomay ay noqon karaan kuwo saameyn reeba sida dhimasho.
Senatarka ismaamulka Mandera ayaa eedeynta uu madaxweyne ku xigeenka waddanka u jeediyay Nuurdiin Xaaji ku tilmaamay qiil uu indhaha shacabka uga weecinaya mas’uuliyadda dowladda iyo in lagula xisaabtamo go’aankii siyaasadeed ee ay qaadatay.
Waxaa uu intaasi ku daray in Nuurdiin Xaaji uunan hayn xafiis siyaasadeed oo uu ku shaacin karo go’aammada siyaasadda la xiriira sidaasi awgeedna uu garanaya siyaabaha saxda ah ee xogaha sirdoonka lagula wadaago madaxweynaha dalka.
Senatarka Mandera ayaa sheegay in adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS uu aad muhiim ugu yahay amniga waddanka oo la doonaya in madaxda ay qadariyaan iyadoo aan la eegayn gobolka uu ka soo jeedo shakhsiga laantan hoggaamiyaha.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayuu Cali Ibraahim Roba ugu baaqay inuu joojiyo in uu xaaladaha cakiran uga faa’iidaysto arrimo siyaasadeed taasi beddelkeedana uu xalliyo waxyaabaha ay salka ku haysa qanacsanaan la’aanta rayidka.
Ku xigeenka guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cabdi Dhaqane ayaa dhankiisa xusay in ay ka war qabaan culeysyada siyaasadeed ee uu dareemaya madaxweyne ku xigeenka balse ay ka doonayaan inuunan soo magac qaadin Nuurdiin Xaaji oo uu ku tilmaamay shaqaale dowladeed oo daacad ah .
Cabdi Dhaqane ayaa qoraal ku sheegay in hadalka madaxweyne ku xigeenka ay ka dheehanayaan bartilmaameedsi ka dhan ah mas’uuliyiinta soomaalida iyo ganacsiyadooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in shakhsiyaadkan xilalka loogu dhiibay awoodooda iyo kartidooda si la mid ah kenyaanka kale oo aynan cidna marti u ahayn.
Sidoo kale , waxaa dareenkiisa arrinkan ku biiriyey xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ijara ee ismaamulka Garissa Cabdi Cali Cabdi.
Waxaa uu tilmaamay in aynan waxba soo kordhinayn in Nuurdiin dusha laga saaro mas’uuliyadda dibadbaxyadii dhacay.
Waxaa uu cambaareeyay hadalka uu shalay jeediyay hoggaamiyaha labaad ee dalka isagoo kula taliyay inuu diiradda saaro hoggaaminta wanaagsan iyo xoojinta midnimada qaran halkii uu su’aal gelin lahaa kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowliga ah.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Mandera Bashiir Cabdullahi ayaa dhankiisa sheegay in hadal la yaab leh uu ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka dalka .
Waxaa uu sheegay in Gachagua looga baahan yahay inuu mas’uuliyadda qaato oo uu is casilo haddii kale xilka laga qaadaya.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Garissa Township Deeqow Maxamad Barrow ayaa isna qoraal ku sheegay in madaxweyne ku xigeenka dalka uu muujiyay shakhsiyadiisa dhabta ah sidaasi awgeedna eedeynta ah in adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS uunan shaqeyn ay tahay mid lagu dhaawacaya sumcadda wakaalad qaran shakhsi ahaanna loogu maagaya Nuurdiin Xaaji.