Qaar ka mid ah maareeyaasha laamaha NHIF oo shaqada laga joojiyay

0
240

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojisay qaar ka mid ah maareeyaasha laamaha caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo meelaha ay qaabilsan yihiin ay fadeexad saameysay.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan la soo tabiyay fadeexad la sheegay in lagu lunsaday lacagaha waaxdan iyadoo ay wada shaqeynayaan dhowr ka mid ah isbitallada sida gaarka ah loo leeyahay ee Nairobi iyo Meru iyo shaqaale ka tirsan NHIF.
Iskaashigan ayaa lacago looga dhacay shacab aan xeeladdan ka shakin.
Wasiiradda ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ka sheegtay inay amar ku bixinaysa in si degdeg ah shaqada looga joojiyo maareeyaasha waaxda NHIF si aan dadweynaha lacagahooda loo sii lunsan.
Sidoo kale waxay guddoomiyaha NHIF ku amartay inuu arrinkan baaritaano wax ku ool ah ku sameeyo.
Wasiiradda ayaa amartay in muddo 48 saacadood gudahooda ah loola wadaago warbixin horudhac ah
Susan Nakhumicha ayaa intaasi ku dartay inay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay si gaar ah uga codsatay inuu guddiga maamulo NHIF kala shaqeeyo in la ogaado shakhsiyaadka iyo xarumaha caafimaadka ee iska kaashanaya in lagu takriifalo lacagaha kenyaanka u baahan daryeelka caafimaad.