Putin oo sheegay inay Ukraine uga adkaanayaan toddobaad haddii laga joojiyo taageerada militari

0
173

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in aynan ku qaadanayn wax ka badan hal isbuuc inay ka guulaystaan dowladda Ukraine haddii reer galbeedka ay xukuumadda Kyiv ka joojiyaan taageerada militari iyo caawimaadda dhaqaale.
Waxaa uu Putin intaasi ku daray in Ukraine laga dilay ugu yaraan 90,000 oo ciidan ah tan iyo markii ay bishii 6-aad ee sanadkan billowday howlgallada iska caabinta ee ka dhanka ah Ruushka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale sarkaal ka tirsan Midowga Yurub uu sheegay inaynan beddeli karin taageerada uu Maraykanka siiyo Ukraine haddii ay meesha ka baxdo.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhankiisa toddbaadkan sheegay inuu walaac ka qabo inuu hakad ku yimaado taageerada ay u fidiyaan dowladda Ukraine ee uu weli Ruushku ku hayo duullaanka militari.