Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in howlgallada militari ee Ruushka ka wada dalka dariska la ah ee Ukraine uu ku socdo sidii loogu talagalay.
Waxaa uu ku ammaanay ciidamadiisa duullaanka qaaday inay yihiin geesiyaal.
“Waxaan rabaa in aan sheego in howlgalka milatari ee gaarka ah uu sidii loogu talagalay iyo sida uu qorshuhu ahaa ku socdo,” ayuu yiri Putin, xilli uu kulan la yeeshay golihiisa ammaanka.
“Waxaan dagaal kula jirnaa naasiyiinta,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ruushka, isagoo raaciyay: “weligay kama quusan doono hadafkeyga ah in Ruushka iyo Ukraine ay yihiin hal bulsho.”