Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay walaac weyn ka muujinayaan xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee ka jirta gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.
Waxaa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in dowladda federalka u caburinayso gobolka Gedo, wixii iyagu ay uga diideen dowladdii hore ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay cuna qabateen ku soo rogtay shacabka Gedo.
“Waxaan ka xunnahay walaaca isa soo taraya ee gobolka Gedo, waxaa nasiib darro ah in dowladda u caburinayso gobolka Gedo, wixii ay horey uga diideen dowladdii hore ee Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.
Deni ayaa ku baaqay in Jubbaland dib u hehsiisiin dhameystiran laga sameeyo, si xal buuxa looga gaaro xiisadaha ka jira gobolka Gedo.
Hadalkan ayuu madaxweyne Deni ka sheegay furitaanka kal-fadhigga 52-aad ee baarlamaanka Puntland.
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka inay caburin ku hayso shacabka Gedo