Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka codsatay bankiga adduunka iyo sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee (IMF), in la hakiyo oo dib loo dhigo dayn cafinta Soomaaliya, inta heshiis laga gaarayo nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Puntland, Maxamad Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in qaabka ay hadda ku socota dayn cafintu halis ku keenayso deeganaanshaha Soomaaliya, iyo kaalmada ay hay’adaha caalamku siiyaan dalkaasi.
Wasiirka ayaa walaaac ka muujiyay dhaqaalaha daba socda dayn cafinta, isagoo sheegay in ay horseedi karto in dalku dib ugu noqdo dagaalo sokeeye, isagoo tilmaamay inta Soomaaliya ka heshiinayso mideynta maaliyadda iyo qaybsiga kheyraadka dalka, in loo baahan yahay in la hakiyo dayn cafinta Soomaaliya.
“Haddii maanta IMF iyo bangiga adduunka dhahaan dalkii dayn cafin baan ku sameynay, oo 2 bilyan oo doolar la soo qaato, oo Soomaaliya la soo galiyo, deeqihii caalamku bixinayeen ay istaagaan, hadhow maxay sameyn ah ayay ku keenaysa wadarta wax soo saarka gudaha ee (GDP), iyo dhaqaalaha dalka, anagu waxaan rabnaa inuu wadanka marka hore heshiis yahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.
Codsiga Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo bisha Sagaalaad ee sanadkan lagu wado in ay soo baxdo qayb ahaan natiijada dayn cafinta Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in khilaafka ka dhexeya Puntland iyo dowladda federalka uunan saamayn ku lahayn arrinta dayn cafinta.




